Murtad Fiqi oo Weerar Afka ah ku Qaadey Mucaaradka Ridada.

Aug 22, 2025

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira kooxda ridada Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa marba marka ka dambaysa sii xoogeysanaya, iyadoo uu gaaray heer hadallo kulul si toos ah hawada la isugu mariyo.

Murtad Axmed Maxallim Fiqi oo ah wasiirka gaashaandhigga kooxda ridada oo maanta ka hadlayey xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa uu dhaliil u jeediyay mucaaradka ridada, isaga oo sheegay in aaney suuragal noqon doonin in caasimadda Muqdisho qori lagu dhex qaato, isla markaana aan loo oggolaan doonin abaabul hubaysan oo khalkhal ku abuura ammaanka magaalada.

Khilaafka u dhexeeya xukuumadda Xasan Gurguurte iyo mucaaradka ridada ayaa mudooyinkii dambe ciska isku shareeray, iyadoo kulamo dhowr ah oo dhinacyadaasi yeesheen ay ku dhamaadeen fashil iyo is marinwaa.

Mucaaradka ayaa dhankooda dhaliilo u jeedinaya kooxda ridada, iyaga oo ku eedeynaya musuq-maasuq iyo maamul xumo halka xukuumada Muqdisho ay ku adkeysanayso in mucaaradku yihiin kuwo aan mideysanayn oo aan lahayn qorshe siyaasadeed oo cad.

Hadalka murtad Fiqi ee hub ku qaadashada caasimada ayaa muujinaya culeyska siyaasadeed ee ka dhex jira Muqdisho, halka khilaafka u dhexeeya Kooxda iyo mucaaradku uu wali yahay mid aan xal rasmi ah loo helin.