Markab dagaal oo Maraykanku uu leeyahay ayay wararku sheegayaan in uu ku gubanayo meel u dhow Jaziiradda Okinawa ee koonfurta bari ee dalka Japan.
Sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda ee Maraykanka dabkan ayaa gabbal-dhacii maanta oo Arbaca ah ka kacay gudaha Markabkan oo magaciisa lagu sheegay USS New Orleans.
Shaqaalaha iyo ilaalada xeebaha Japan ayay wararku tibaaxayaan inay gurmad u fidiyeen isla markaana ay la tacaalayaan dabkaasi oo weli ka holcaya gudaha markabka.
Dabka ayaa ka billowday qeybta hore ee markabka oo dhererkiisu yahay 684 cagood, afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha ayaa goor dhawayd u sheegay wargeyska amerikanka ah ee ka hadla arrimaha ciidanka ee Stars and Stripes.
Inta uu le’eg yahay khasaaraha dabkaasi ilaa hadda lama shaacin, sidoo kalena wax tafaasiil ah lagama bixin sababta dhalisay, iyadoo wararku tibaaxayaan in qiiqiisu u badan yahay qaybaha la dhigo baabuurta xamuulka.
Kooxda 7-aad ee US Fleet oo ka hadashay dhacdadan ayaa sheegtay in dadaallada dab-damiska ay socdaan iyagoo taageero ka helaya Ilaalada Xeebaha Japan.
Xarunta Ilaalada Xeebaha ee Nakagusuku ayaa ku warantay in ay ka war heleen dabka ka kacay Camp Zukeran wax yar ka dib markii uu holacu isqabsaday.
Ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidanka Japan ayaa ku biiray dadaallada dab-damiska iyagoo ilaa haatan aan ku guulaysan inay damiyaan.
USS New Orleans waa saldhig gaadiid, gaar ahaan nooca maraakiibta waaweyn ee U.S. Navy ee loogu talagalay in ay ciidanka ka qaadaan badda kuna daadiyaan xeebaha iyo goobaha lagu muransan yahay iyagoo adeegsanaya doomaha iyo diyaaradaha.
Ciidamada badda ee Maraykanku weli ma aanay xaqiijin heerka uu gaarsiisan yahay burburka soo gaaray markabka iyo in jadwalkiisa shaqo uu saameyn doono.