In ka Badan 60 Askari oo Itoobiyaan ah oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Gobolka Amxaarada.

Aug 19, 2025

Ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa la dilay, 35 askari oo kalena waa la dhaacay kadib dagaal culus oo ka dhacay deggaanka Gojjam ee gobolka Amxaarada, sida ay shaacisay jabhadda Fano.

Hawl-galkan oo ay fuliyeen labo guuto oo ka tirsan maleeshiyaadka Fano ayaa cagta lagu mariyey ciidanka difaaca Itoobiya, iyadoo sidoo kalena warar hoose sheegayaan in mid ka mida taliyeyaasha saree ee millateriga Itoobiya lagu dilay dagaalkan oo dhacay Isniintii shalay.

Ciidanka Itoobiya ma aysan soo saarin wax war ah oo la xiriira sheegashada maleeshiyaadka Fano, iyadoo dhinaca kalena lasoo warinayo dagaallo culus oo u dhexeeya Fano iyo ciidamada dowladda oo ka dhacay deggaannada Gondar iyo Wollo ee gobolka Amxaarada.

Ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dhegta dhiigga loo daray, 5 askari oo kalena waa la dhaawacay, kadib weerar gaadmo ah oo ka dhacay deggaanka Waqooyiga Gondar, sida uu baahiyey wargeyska Borkena.

Abebe Fantaw, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee jabhadda Fano ayaa u sheegay Ethiopian Media Services in maleeshiyaadka Fano ay gaareen guullo militari oo la taaban karo, kadib iska-hor-imaadyo isdaba-joog ah oo dhacay maalmihii la soo dhaafay.