Maamulka Ridada Jubbaland oo ka Cabanaya Maamul Goboleedka Cusub ee Laga Sameeyay Gedo.

Aug 18, 2025

Iyadoo maamulka ashahaado-la-dirirka ee Jubbaland looga adkaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa waxaa soo baxaya qorsheyaal hor leh oo sida la sheegay la doonayo in la isku sii hambo-raaciyo xididdadana loogu siibo maamulka daba-dhilifka ah ee Axmed-madoobe.

Murtad Maxamuud Sayid Aadan oo ah M/weyne-xigeenka Jubbaland ayaa ku eedeeyey kooxda riddada ee Villa Somaliya ay ku hawllan yihiin yagleelka maamul-goboleed cusub oo ay doonayaan in ay ka dhisaan gobolka Gedo, maadaama aanay aqoonsanayn maamulka Kismaayo.

Hawl-wadeenno ka socda kooxda Murtad Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in abaabul xooggan ay ka wadaan magaalada Garbahaaray, iyagoo qaybo ka mida faras-magaalaha ku qotomiyey boorar lagu muujinayo gogol-xaarka maamulka cusub ee ay rabaan in halkaasi ay ka hir-geliyaan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Maxamuud Sayid Aadan.

M/weyne-ku-xigeenka Jubbaland ayaa walaac xooggan ka muujiyay, isla markaana qaylo-dhaan culus kasoo saaray maamulkaasi oo ku tilmaamay mid la doonayo in lagu kala qaybiyo ree Jubbaland, isla markaana lagu wiiqayo nidaamka iyo haykalka dowladnimo ee maamulkaasi.

Waxa uu ka digay Murtad Maxamuud Sayid Aadan cawaaqib-xumo uu sheegay in ay ka dhalan doonaan maamulka cusub ee kooxda Villa Somaliya ka abaabulayso gobolka Gedo, waxaanu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, waxaanu ku baaqay in laga hor-tago maamulkaasi oo uu ku sifeeyey khatar weyn oo kusoo wajahan mustaqbalkooda.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay murtadkan ayaa imanaysa iyadoo maalmahan u dambeeyey aad loo hadal-hayay qorshe cusub oo kooxda murtad Gurguurte ay doonayso inay gebi ahaanba ay ku mijo-xaabiso maamulka Axmed-madoobe, isla markaana ay ku dhisayso maamul cusub oo warar hoose sheegayaan in xarun looga dhigi doono magaalada Garbahaarey.