Dawlada Uganda oo Sheegtay Inay Dagaal Saliibi ah uga Jirto Soomaaliya.

Aug 16, 2025

Taliyaha ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa shaaciyay inay ciidamadiisa oo ku dagaalamaya magaca Saliibka ay guulo ka soo hooyeen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay ciidan uu tiradooda ku sheegay 20 askari oo uu sheegay in looga dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

Muhoozi Kainerugaba oo sidoo kale ah wiil uu dhalay madaxweynaha wadanka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu aflagaado u geystay dadka Muslimiinta ah isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad caabuda Shaydaan. ” Al Shabaab, waxaan Bariire kaga dilnay in ka badan 300 oo askari. Waan idiin soo soconaa, waxaad caabuddaan Shaydaan. Annaguna waxaan caabudnaa Ilaaheenna Ciise Masiix. Mar walba waan idinka adkaan doonnaa” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Isla qoraal kale oo uu soo dhigay bartiisa X ayuu taliyaha ciidamada Uganda wuxuu taageero ugu muujiyay ciidamada Yuhuuda ah ee xasuuqa u geysanaysa shacabka Muslimiinta ah ee Gaza. ” Israa’iiliyiintu waa qaraabadeenna, Yuhuudduna waa walaalaheenna, Ciise Masiix wuxuu ka yimid Israa’iil. Waa inaan taageernaa Yuhuudda intii suurtagal ah” ayuu yiri .

Dad badan oo ka falceliyay hadallada taliyaha ciidanka Uganda ayaa ku tilmaamay kuwo ka turjumaayo xaqiiqada dhabta ah ee duullaanka ciidamada Uganda ay ku joogaan Soomaaliya iyo cadawtooyada ay dawlada Uganda u qabto guud ahaan dadka Muslimiinta ah.

Waxaa xusid mudan in ciidamo Soomaali ah oo Muslimiin sheeganaya ay qayb ka ahaayeen duullaankaas uu taliyaha ciidamada Uganda ku sheegay inuu ahaa saliibi, ayna guul ka gaareen ciidamo u dagaalamaya diinta kirishtaanka.