Dawlada Kenya oo ka Qaylo Dhaamisay Fashilka Isbahaysiga Afrikaanta ee Soomaaliya.

Aug 17, 2025

General Charles Kahariri oo ah taliyaha ciidanka dowlada saliibiyada ah ee Kenya ayaa qayla dhaan ka muujiyay xaalada adag ee uu wajahayo isbihaysiga kufaarta Afrikaanta ee dullaanka ku jooga Soomaaliya isaga oo sheegay in hadii ay dhimaan qeybo kamid ah ciidankooda ama ay si toos ah uga baxaan dalka, ay keeni karto in uu fashil iyo waji gabax kusoo idlaado qorshihii ashahaado ladirinimo ee mudada dheer dalka ujoogeen.

Isaga oo kulan la qaadanyay taliyaha ciidanka dowlada saliibiyada ah ee Marayaknka ee qaarada Afrika General Michael Langley oo ka dhacay xarunta Africom ee magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, ayeey Kenya sheegtay in ay walaac xoogan ka qabto marxalada uu hada kusuganyahay isbihaysiga midwoga Afrika, ayna dhici karto in ay mujaahidiinta ay la wareegaan magaalooyinka ay baneeyeeyaan hadii dalka ay isaga baxaan.

“Qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, oo ay ku jirto Kenya, ayaa Soomaaliya la galay heshiisyo laba geesood ah si ay si ku meel gaar ah u soo afjaraan firaaqi ,” ayuu yiri Kahariri, wuxuuna intaa ku daray “Si kastaba ha ahaatee, tillaabooyinka noocan oo kale ah waa kuwo aan sii jir karin iyada oo aan la wanaajin taageerada caalamiga ah.”

Isbihaysiga kufaarta Afrikaanta e mudada ku dhow 20-sano dullaanka ku jooga dalka ayaa wajahaya mustaqbal madow, iyadoo dowladaha saliibiyiinta ay iska diideen in ay bixiyaan qarashaatkii ku bixi jiray , Kenya ayaana dalaalka safka hore uga jirto isbihaysigaasi ashahaado ladirika ah, waxayna sidookale hada ka walwalaysaa amniga dalkeeda hadii Soomaaliya ay isaga wada baxaan ciidamada calooshood ushaqaystayaasha Afrikaanta ah, iyada oo xukumada saliibiyada ah ee Nayroobi ay guranayso miraha qaraar ee ay ka dhaxshay dullaankeedii Soomaaliya ay kusoo gashay sanadii 2011.