Dagaal culus oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maleeshiyo taabacsan kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte, ayaa saaka ka qarxay xaafada Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka saaka qarxay ayaa salka ku haya arintii dhul-boobka ee uu Xassan Gurguurte xoojiyay laga soo billaabo tan iyo markii uu xukunka dib ugu soo laabtay. Dadka deegaanka ee la dagaallamaya maleeshiyaadka Gurguurte ayaa u badan mid ka mid ah beelaha dega magaalada Muqdisho ( Cayr) kuwaas oo dagaal kala hortegay maleeshiyada uu madaxa u yahay Gurguurte.
Maleeshiyada Riddada Xassan Gurguurte ee weerarka lagala hortagay ayaa doonayay inay burburiyaan xaafadaha u dhexeeya saraha African village iyo barxadda Horseed ee dhabarka dambe uga taalla Tarabuunka, degmada Hodan ee magaalada Muqdihso.
Dagaalka ayaa socdo muddo hal saac ka badan, dadka deegaanka ee hubka qaatay ee isdifaacaya ayaa lasoo wariyay inay iska caabiyeen maleeshiyadii Gurguurte ee weerarka ku ah dhulalka ay dadka shacabka ah degganyihiin ee ku yaal halkaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Riddada ayaa lasoo wariyay in uu dagaalka ku dhaawacmay, khasaare kale ayaa jira.