Gurguurte oo ammaankiisa ay si aad ah u ilaalinayeen ciidamo caddaan ah iyo maleeshiyaad murtadiin ah ayaa maanta tegay guri kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo saraakiishiisu ka wadaan diiwaangelinta waxa loogu yeero doorasho qof iyo cod ah.
Muuqaal lagu faafiyay warbaahinta afka dowladda ridada ku hadasha ayaa muujinayay murtad Xasan Gurguurte oo qaadanaya warqadda isdaawaan gelinta,hadal kooban oo uu goobta ka jeediyay ayuu ku sheegay in ladiyaariyay qabsashada doorasho qof iyo cod ah.
Isagoo ku jees jeesayay siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu yiri “cidna ma dhihi karto doorasho dadweyne lama qabanayo”, tallaabadan ayaa timid saacado yar uun ka hor oo lafilayo in uu qabsoomo shir kama dambeys noqon kara oo ka dhaxamara madaxweynaha ridada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xubin ka ah madasha ay mucaaradku ku mudaysanyihiin golaha samatabixinta ayaa page-kiisa Facebook kusoo qoray “Qof iyo Qori” oo uu ula jeedo in hubka lawada qaadan doono haddii Xasan sii wado boobka doorashada.