AKHRISO: Ciidanka Ruushka oo Qaaday Weerarkii ugu Cuslaa tan iyo 2022.

Aug 12, 2025

Ciidamada Ruushka ayaa saaka aroortii hore qaaday weerar culus oo dhulka iyo cirka isugu jira, kaas oo lagu bartilmaameedsaday safafka hore ee difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine.

Saraakiil ayaa weerarkan ku tilmaamay midkii ugu weynaa tan iyo sannadkii 2022, markii dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu billowday.

Talaabadan ayaa loo arkaa isku day uu Kremlin-ka ku doonayo inuu jebiyo difaacyada Ukraine, ka hor kulanka Jimcaha ee lagu wado in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ay yeeshaan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay durba gacanta ku hayaan guud ahaan gobolka Donetsk, iyadoo weerarkan cusub uu sii adkeynayo cadaadiska lagu hayo ciidamada Ukraine ee ku harsan aaggaas.

FAAFREEB PRO