Tigray oo Wajahaysa Xaalad Macaluul ah Kadib Abaaro Baahsan.

Aug 4, 2025

Gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga dalka itoobiya ayaa toddobaadkan wajahaysa xaalad aad uadag , taas oo ka dhalatay abaar baahsan ooo mudo sanado ah halkaasi ka jira

Yaqer oo ah mid kamid ah deegaanada yar ee dhaca gobolka ayaa laga soo sheegay in in ka badan 18,000 oo xoolo ah ay dhinteen, halka boqolaal hektar oo dhul beereed ah ay baaba’een Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in gobolka mar kale galo xaalad macaluul ah, iyadoo wali laga soo kaban la’yahay burburkii ka dhashay dagaalkii laba sano socday.

Goitom Gebrehaweria, oo ah madaxa waaxda dhaqaalaha ee degmada, ayaa u sheegay wargayska Addis Standard in abaartu dishay: 184 neef lo’ ah, 900 dameer ah,4,500 ido ah,13,000 ari ’ ah,

isaga oo hadlayay ayuu yiri: “Roob kama da’in deegaanka illaa maanta. Xitaa shinnidii waa ay dabar go’day.”

Wuxuu sheegay in uu arko calaamado muujinaya nafaqo-darro – sida barar iyo astaamo kale oo la xiriira gaajo, kuwaas oo ka muuqda carruurta iyo waayeelka.

Warbixin hore oo si wadajir ah uga soo baxay hay’ado samafal iyo xafiiskiisa gargaka deg deg ah ee Tigreega ayaa lagu sheegay in 2.45 milyan oo qof oo ku nool gobolka ay u baahanyihiin gargaar raashin. Xaaladdan ayaa laga digayay tan iyo bishii Febraayo 2024, markaas oo laga hadlay halista ay abuureen abaaraha daba dheeraaday iyo weerarro ay keeneen ayax, taasoo halis gelisay ilaa 91% dadka gobolka Tigray.

Markale, maamulka kumeelgaarka ah ee Tigray ayaa sheegay in 4.2 milyan qof, oo ay ku jiraan dad barakac ah, ay si toos ah u saameeyeen. Getachew Reda, madaxweynihii hore ee maamulka, ayaa xilligaa ka digay in xaaladdu u dhowdahay sida macaluushii 1980-meeyadii.