Diyaarad Itoobiyaan ah oo Shil ku Gashay Magaalada Mekelle.

Jul 18, 2025

Mid ka mid ah diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu soo warramayaa in shil geystay khasaare kala duwan ay ku gashay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreyga.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradeeda rakaabku ay ka siibatay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, kadib markii ay caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle.

Shilkan oo dhacay Arbacadii ayay shirkaddu shaacisay in laba xubnood oo ka mid ah shaqaalaha diyaaraddu ay dhaawacmeen.

War-saxaafadeedkan oo shirkaddu ay soo saartay xalay fiidkii, ayaa lagu sheegay in duulimaadka diyaaradda uu nambarkiisu ahaa ET-298, taas oo kasoo duushay caasimadda Addis Ababa.

Sida ay sheegtay shirkaddu, ma jiro rakaab wax ku noqday shilkaasi, waxaana dhammaantood iyagoo bad-qaba laga soo daad-gureeyey diyaaradda.

Horraanta 2024-kii, ayay ahayd markii diyaarad rakaab ah oo sidoo kale ay leedahay Ethiopian Airline ay shil ku gashay isla gegida Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle.