Boqolaal qof oo Lagu Eedeeyay Rabshado ka Dhashay Mudaharaadyadii Kenya.

Jul 16, 2025

Dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo sii adkaanaysa kaddib mudaharaadyadii rabshadaha watay ee toddobaadyadii u dambeeyay gilgilay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Mudaharaadyadan ayaa sababay in in ka badan 1,500 qof lagu eedeeyo falal la xiriira burbur hantiyeed, kicin dadweyne, iyo weerarro ka dhan ah xarumo dowladeed.

Dadkan la xiray ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal ay ka mid yihiin: burburinta hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, gubista xarumo muhiim ah oo ay dowladdu leedahay iyo iska horimaadyo lala galay ciidamada booliska.

Magaalooyinka sida Nairobi, Kisumu, Mombasa, iyo Eldoret ayaa si gaar ah u saameeyeen rabshadahan, waxaana halkaas lagu xiray boqolaal qof oo la tuhunsan yahay in ay ka mid ahaayeen dadkii mudaharaadayay.

Inkasta oo dowladda saliibiyada Kenya ay sheegtay in ay la tacaalayso falal qalalaase ah, haddana cabashooyin xooggan ayaa wali ka imaanaya shacabka, kuwaasoo ku eedeeyay ciidamada dowladda in ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka mudaharaadayay.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in dad badan lagu hayo xabsiyada si sharci darro ah, iyadoo qaarna aysan helin xaquuqdii ay lahaayeen, taasoo keentay cambaareyn caalami ah iyo cabsi laga qabo in xaalada ay kasii darto.

Tani waxay abuuraysaa cabsi laga qabo sii hurinta xiisadaha siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha, iyadoo shacabka iyo ururrada sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha ay dalbanayaan isla xisaabtan buuxa.