Iyadoo xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan marinka Qaza ay kasii dareyso, gaar ahaan dhinaca biyaha, bukaannada, iyo dadka go’doonsa ayaa waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ka socda wada-xaajoodyo u dhexeeya Masar, Qatar iyo maamulka gumaystaha Yahuuda.
Wadahadalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin rasmi ah oo laga hirgeliyo Qaza, iyadoo la doonayo in lagu dejiyo xasaradaha colaadeed ee isa soo taraya.
Sida illo wareedyo ay sheegayaan magaalada Qaahira ayaa martigelinaysa shirar saddex geesood ah, kuwaasoo diiradda saaraya sidii loo dedejin lahaa gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah gudaha Qaza.
Dhanka kayaanka Sahaayinada waxaa la sheegay inay soo bandhigtay khariidad saddexaad oo muujinaysa meelaynta ciidamadeeda muddada xabbad-joojinta ee la qorsheynayo inay socoto 60 maalmood.
Khariidadan cusub ayaa tilmaamaysa in xukuumada Binyamin Netanyahu ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda ku koobto aag xadidan oo 2km ah oo ku yaalla xadka koonfureed ee Qaza ee u dhow magaalada Rafax.
Waxaa illaa iyo hada khilaafku ka taagan yahay qodobka ku saabsan baxitaanka ciidamada Yahuuda iyo habka sahayda loogu qaybinayo gudaha Qaza.
Kooxaha muqaawamada Filistiin waxay dalbaneyaan in gumaystaha uu ciidamadiisa dib ugu celiyo halkii ay joogeen kahor burburkii xabbad-joojintii bishii Maarso.
Inkasta oo is-afgarad horudhac ah laga gaaray qaar ka mid ah qodobbada wadahadallada, haddana waxaa weli taagan caqabado la isku fahmi la’yahay, kuwaas oo dhalinaya cadaadis diblomaasiyadeed oo dheeraad ah.
FAAFREEB PRO