Xilli maleeshiyaadka ridada ee ku sugan gobolka Hiiraan ay la kulmayaan guuldarrooyin milatari oo isdaba joog ah, ayaa murtad Cali Jeyte Cismaan waxaa uu gaaray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira dowladda xabashida Itoobiya isagoo hoggaaminaya wafdi ka baxay magaalada Baladweyne.
Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay inuu yahay raadinta taageero amni oo laga helo maamulka ridada ah ee Itoobiya halkaas ka dhisatay, si loogu wajaho dagaalka ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan deegaannada Hiiraan, halkaas oo maleeshiyaadka Macawiisleyda ay si weyn uga sii dabar go’ayaan.
Safarka murtad Cali Jeyte ayaa imaanaya maalmo un kadib markii Mujaahidiintu ay la wareegeen degmada Moqokori oo ahayd fariisin istiraatiiji ah oo muddo dheer lagu dagaalamayay.
Weerarkan ayaa noqday mid ka mid ah jabka ugu weyn ee soo gaaray maleeshiyaadka ridada tan iyo markii dagaalka uu ka curtay gobolka Hiiraan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in safarka murtad Jeyte iyo wafdigiisa uu yahay mid la doonayo in lagu xoojiyo iskaashi toos ah oo u dhexeeya macawiisleyda iyo maamulka Dowlad-deegaanka, iyada oo la sheegayo in wada-shaqeyntan ay qeyb ka tahay fulinta hadalkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ridada murtad Goodax Barre, kaasoo si cad u sheegay in macawiislaydu ay Itoobiya ku biiri doonaan haddii aysan helin taageero ka timaadda kooxda ridada Soomaaliya.
Lama oga illaa iyo hadda wax natiijo ah oo kasoo baxay kulamadii ay halkaasi ku yeesheen Cali Jeyte iyo wafdigiisa, balse safarku waxa uu imaanayaa xilli xiriirka u dhexeeya kooxda ridada Soomaaliya iyo Itoobiya uusan wanaagsanayn, kadib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiis badeed oo ay la gashay maamulka ridada Somaliland, arrintaasoo horseedday diblumaasiyad xumo ka dhex dhalatay Labada dhinac
Iskusoo wada duubo, maleeshiyaadka ridada ayaa si weyn loogu jebiyey dagaalladii ugu dambeeyey ee gobolka Hiiraan, iyadoo deegaano badan lagala wareegay, saraakiilna la dilay, taasoo keentay in saraakiishii hogaaminaysay safar u ambabaxaan Jigjiga si ay taageero ciidan uga raadsadaan Itoobiya, taasoo muujineysa burburka istiraatiijiyadeed ee maleeshiyaadooda.
FAAFREEB PRO