Murtad Xamse Cabdi Barre oo Weerar Afka ah ku Qaaday Mucaaradka Kooxda Ridada.

Jul 9, 2025

Ra’izul wasaaraha Kooxda Ridada Soomaaliya murtad Xamse Cabdi Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda nidaamka uu hogaamiyo murtad gurguurte.

Murtad Xamse ayaa sheegay in ay ushaqeeyaan dowlado shisheeye oo ay dabadhilifyo yihiin ayna ka shaqaynayaan dano dowlado shisheeye.

Wuxuu murtad si toso ah uweeraray siyaasyiinta mucaaradka ridada ee kasoo horjeeda xukunka Kooxdooda, kuwaas oo ay ku jiraan madax horay usoo maamushay Kooxda Ridada iyo kuwa hada doonaya in ay qabtaan xukunkaasi.

 

Hadlaka murtad Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaafka ka dhaxeeya hogaamiyaasha Kooxda Ridada iyo siyaasyiinta mucaaradka ah uu cirka isku shareeray, taas oo salka ku haysa arimaha doorshooyin gaaleedka.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa murtad Gurguurte iyo sidookale xubnaha mucaaradka waxaa looga yeeray xerada Xalane, iyadoo amar lagu siiyay in ay kulamo yeeshaan oo ay dhaxdooda heshiiyaan.