Mujaahidiinta oo Saraakiil ku Dilay Wajeer iyo Qarax Lagu Beegsaday Kufaarta Kenya ee Mandheera.

Jul 8, 2025

Wajeer.

Howlgal qorsheysan oo saqdii dhexe ee xalay ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaanka Qarso ee hoostaga degmada Qorof Xaraar ee gobalka Wajeer ee ku hoos jira gumeysiga Saliibiyadda Kenya.

Howlgalkaas waxey Mujaahidiintu ku dileen Cadow Cali Buureey oo ahaa gudoomiyihii dowlada Kaafiradda Kenya ugu magacownaa deegaanka Qarsa, Waxeyna Mujaahidiintu gudoomiyaha ka furteen qori AK47 ah.

Sidoo kale Mujaahidiintu waxey howlgalkaas ku dileen sarkaal Murtad ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Gaabis Cali kaasi oo si gaar ah ula shaqeyn jiray ciidanka Afduubka ee dowlada Saliibiyadda Kenya.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa muddo ku daba jiray labadaas sarkaal kuwaasi oo dhibaato xoogan ku hayay bulshada Muslimka ah ee ku dhaqan deegaankaas.

Dhanka Mandheera.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey qarax la beegsadeen kolanyo Kufaarta Kenya ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandheera iyo Raama ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Saliibiyiinta Kenya.

Qaraxa ayaa haleelay oo burburiyay gaari Kooyal ah oo kolanyada qeyb ka ahaa waxaa sidoo kale baqti iyo dhaawac noqday askartii Kufaarta Kenya ee la socotay gaarigaas.