Caqabadaha isbiirsaday ee uu wajahayo howlgalka ashahaada la dirirka ah ee ay ciidamada kuffaarta Afrikaanta ah kaga jiraan Soomaaliya, ayaa keenay in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada kuffaarta Burundi.
Midowga gaalada Africa, ayaa muddo kordhin socon doonta ilaa lix bilood u sameeyay ciidamada saliibiyiinta Burundi ee qaybta taliska ciidanka kuffaarta Afrikaanta, kuwaas oo la qorsheeyay in askariga ugu dambeeya uu dalka ka baxo 30-ka bishii ina dhaaftay ee June.
Muddo kordhinta lixda bilood socon doonta ee loo sameeyay inay dalka kusii joogaan ciidamada saliibiyiinta Burundi, ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen golaha waxay ugu yeeraan nabadda iyo ammaanka Midowga gaalada Afrika, waxayna ku timid markii la waayay dhaqaale lagu keenayo ciidanka cusub ee AUSSOM.
Waxay sidoo kale u aanneeyeen tallaabadan dib u dhaca ku yimid dalalka ay ka iman lahaayeen isbahaysiga cusub ee AUSSOM, tan ugu wayn ee keentay na waa dhaqaalaha oo dowladihii maalgelin lahaa isbahaysigan kufriga ah ay horay u sheegeen inaysan awoodin, Maraykanka ayaa sheegay inuusan wax dhaqaale ah ku bixin karin howlgal aan dhammaad lahayn.
Waxay tani ka dhigan tahay fashil hor leh oo dul-hoganaya howlgalka shaarka cusub loo geliyay ee AUSSOM, isbahaysigan ayaa horay u muujiyay culaysyada dhaqaale ee uu wajahayo xilli dhanka kale dowladaha ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay horay u codsadeen in laga bixiyo ku dhawaad 100 milyan doollar oo dayn ah oo lagu lahaa Atmis.