Masar oo Ka Jawaabtay Dhameystirka Biyo-xireenka Al-Nahda ee ay Itoobiya Sheegato.

Jul 3, 2025

Xiisadda ka taagan biyo xireenka Al-Nahda ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Niil ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu si rasmi ah u shaaciyay in dhismaha biyo xireenkaasi si buuxda loo dhameystiray, ayna qorsheynayaan in si rasmi ah loo furo bisha Sebtember ee soo socota.

Dawlada Masar oo ah mid ka mid ah dalalka ay biyaha wabiga Niil noloshooda ku tiirsan tahay ayaa si degdeg ah uga falcelisay hadalkaas, iyadoo ku tilmaantay mid sharci darro ah oo baal marsan xeerarka caalamiga ah sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiirka Waraabka Masar Hani Swailam ayaa si cad u sheegay in Masar aysan marnaba aqbalaynin siyaasadda Itoobiya iyada oo aan la gaarin heshiis rasmi ah oo saddex geesood ah waa Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay si joogto ah u faafinayso wararka sheegaya in biyo-xireenka la dhameystiray, inkastoo aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray.

Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dalkiisu diyaar u yahay in uu Itoobiya la galo heshiis sharci ah oo la isku waafaqsan yahay, si loo ilaaliyo nolosha malaayiinta qof ee ku tiirsan biyaha wabiga Niilka.

Dacwadda ku saabsan Biyo-xireenka Al-Nahda ayaa sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed iyo midka biyaha ee u dhexeeya Itoobiya iyo dalalka kale ee wabiga Niilka, gaar ahaan Masar iyo Suudaan.

Inkastoo Itoobiya sheegtay in mashruucu uusan wax dhibaato ah u geysan doonin dalalka kale ee wabiga ka faa’iideysta, haddana Masar waxay si joogto ah u muujineysaa walaac xooggan, iyada oo ka cabsi qabta in biyaha Niilka oo ay ku tiirsan tahay nolosha dadkeedu ay si weyn hoos ugu dhacaan.

FAAFREEB PRO