20 Askari oo Yahuudi ah oo ku Naf Waayey Dagaalka Qaza Todobaad Gudihiis.

Jul 3, 2025

Ciidamada maamulka gumeysiga Yahuudda ayaa marinka Qaza ku wajahaya dhiig bax daran, iyada oo wararkii ugu danbeeyay ay muujinayaan in dagaalladii ugu dambeeyay ay noqdeen kuwo khasaaro naf iyo mid qalab leh u geystay ciidamada iyada oo arinkaasi ay dhalisay dhaleecayn siyaasadeed oo gudaha ah.

Sida ay shaacisay warbaahinta gudaha ee gumaystaha, 20 askari oo Yahuudi ayaa dhintay todobaadkan gudihiis iyada oo ay jiraan tiro intaa ka badan oo dhaawac culus qaba, waana tirada ugu badan ee dhimasho ee ciidanka sahaayinada kasoo gaarta hal toddobaad tan iyo bilooyinkii hore ee dagaalka ka socda Qaza.

Waxaa intaa dheer in mid ka mid ah askarta ka tirsan unugga gaarka ah ee EGOZ uu ku dhintay toogasho qorsheysan oo ka dhacday gudaha Marinka Qaza, taas oo loo arko mid niyad-jabka iyo cabsida kusii kordhinaysa saraakiisha iyo ciidamada kale ee howlgalka ku jira

Sidoo kale 4 askari oo kale ayaa si daran ugu dhaawacmay kadib markii miino lagula beegsaday taangi ay ku wateen gudaha Qaza, iyada oo la sheegayo in dhaawacyadooda ay noqon karaan kuwo dhimasho u gudba, sida ay wararku tibaaxayaan.

Khasaaraha isa soo taraya ee kayaanka Yahuudda ka soo gaaraya dagaalka Qaza ayaa dhalinaya cadaadis xoogan oo lagu saarayo xukuumadda Netanyahu, mucaaradka siyaasadeed iyo qaybaha bulshada qaar ayaa maamulkan ku eedeeyay in uu dagaalku sii waddo iyada oo aan jirin qorshe cad oo ku wajahan sidii loo maareyn lahaa xaaladda Qaza.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda Yahuuda ayaa ku baaqaya in la joojiyo dagaalka lana raadiyo xalal diblumaasiyadeed, iyagoo tilmaamaya in khasaaraha sii kordhaya uu dhaawacayo niyadda iyo sumcadda xukuumada Binyamin Netanyahu.

FAAFREEB PRO