Waxaa dalka Pakistan isbuuc gudihiis ku dhintay 64 qof, kuwaas oo badankood ay carruur ahaayeen, kaddib fatahaado xooggan oo dabaylo wata oo ku dhuftay gobollo badan oo dalka ka mid ah, sida ay sheegtay Hay’adda waxaa loogu yeero Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi.
Roobab mahiigaan ah oo wata dabaylo xoog leh ayaa waxaa ka dhashay burburka guryo badan oo sababay khasaare nafeed iyo dhaawacyo baahsan.
Gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee Pakistan kana tirsan xuduudda Afghanistan, ayaa laga soo sheegay tirada ugu badan ee dhimashada, iyadoo halkaas ay ku geeriyoodeen 23 qof kuwaas oo ay ka mid yihiin 10 carruur ah.
Sidoo kale dooxada Swat ayaa wajahday fatahaado culus oo ka dhashay qulqulka webiga Swat, taas oo sababtay in biyuhu la tagaan guryo badan oo ku yaalla hareeraha webiga, wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in ay ku dhinteen 14 qof oo lix ka mid ah ay carruur yihiin.
Dhanka bari ee xuduudda India gobolka Punjab oo ah kan ugu dadka badan dalka Pakistan, ayaa isna laga soo sheegay 21 dhimasho oo 11 ka mid ah ay carruur yihiin, iyada oo intooda badan ay ku naf waayeen saqafka ama gidaarka guryahooda oo ku dumay kaddib roobabkan xooggan.
Hay’addan ayaa intaas ku dartay in 117 qof ay ku dhaawacmeen roobabka iyo fatahaadaha ku baahay gobollo kala duwan oo dalka ah.
Musiibadan ayaa muujinaysa nuglaanta dadka reer Pakistan ee ku nool deegaannada fatahaadaha u nugul, iyada oo ay jiraan baahi loo qabo in la helo gargaar bini’aadantinimo iyo tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo khasaaraha, iyadoo shacabka lagu boorinayo in ay feejignaadaan oo ay raacaan tilmaamaha hay’adaha kasoo baxaya.
FAAFREEB PRO