Shabeellada Hoose:
Maleeshiyaatka ridada ee Bangaraafta ayaa xaley tuulada Yuubis ee hoostagta deegaanka Sabiib waxay ku dileen qoys isugi jiray Aabaha iyo Hooyada reerka iyo caruurtii qoyskaasi.
Dadka shacabka ah ee murtadiinta dileen ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, oo 4 kamid ah ay isku qoys ahaayeen, halka qofka shanaadna uu ahaa Nin marti u ahaa qoyskaasi, waxaa sidoo kale weerarkaasi ay ku dhaawaceen murtadiinta 1 wiil oo kamid ahaa caruurta qoyskaasi.
Magacayada dadka cadowga dileen:
Aabaha qoyska Cabdullaahi Siidow Abiikar.
Hooyada qoyska Xaliimo Axmed Abiikar.
Maryamo Cabdullaahi Siidow oo kamid ahayd caruurta qoyskaasi waxayna ahayd 5 sano jir.
Jamaal Cabdullaahi Siidow wuxuu kamid ahaa caruurta qoyskaasi wuxuuna jiray 7 sano.
Xasan Dhigaal Maamow oo ahaa Nin qoyska marti u ahaa isagana cadowga ayaa dilay.
Waxaa sidoo kale murtadiinta dhaawac garaab ah u geysteen Salmaan Cabdullaahi Siidow, oo 10 sano jir ahaa, caruurta qoyskaasina ka tirsanaa.