Suuqa Soomaalida Gaarissa oo Gubtay iyo Khasaare Hantiyadeed oo Dhashay.

Jul 1, 2025

Dab xoogan ayaa maalintii shalay ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, kaas oo geystay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin qiimaha hantida ku basbeeshay.

Muuqaallo iyo sawirro loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac xooggan iyo qiiq madow oo cirka isku shareeraya, taas oo argagax gelisay ganacsatada iyo dadweynaha ku sugan agagaarka suuqa.

Goob joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa maamulka gobolka ku eedeeyay in ay si liidata uga jawaabeen dhacdada, iyaga oo sheegay in gurmadka daahay uu fursad siiyay in dabku si degdeg ah ugu fido dukaamo badan, taasoo sii kordhisay khasaaraha.

Ilaa iyo hadda, maamulka ismaamulka Gaarissa kama aysan hadal dhacdada, sidoo kale lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dabkan, iyadoo ganacsatadu ay codsanayaan in baaritaano lagu sameeyo sababaha shilalkan dab ee soo noq noqday.

FAAFREEB PRO