Magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga ayaa lagu qabtay kulan u dhexeeyay Dowladda ridada Turkiga iyo maamulka kooxda Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu xaqiijiyay xiriir cusub oo hor leh oo ku saabsan wax ay ku sheegeen iskaashi dhanka badda iyo amniga.
Kulankaasi ayaa dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee kooxda ridada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur kuwaas oo dib u eegis ku sameeyay heshiisyo hore oo muran badan dhaliyay.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, labada dhinac waxay ka wada hadleen ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha dekedaha, amniga badda, iyo tababarro farsamo iyagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in daabulato kheyraadka dalkan iyadoo huwan sharaar kale.
Kulankan cusub ayaa daba socda heshiisyo hore oo la saxiixay sanadkii hore gaar ahaan Febraayo 2024, xiligaasi oo ay golaha wasiirrada ee xukuumada Villa Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis 10 sano ah oo ay la galeen Turkiga.
Sidoo kale Juun 2024, ayaa labada dhinac waxay saxiixeen heshiis dakhli-qeybsi ah oo si toos ah Turkiga u siinaya 30% dakhliga kasoo baxa shidaalka badda Soomaaliya, iyagoo taas bedelkeeda ku helaya taageero farsamo iyo difaac ciidan walow xukuumada murtad Gurguurte aysan helin wixii ay fileysay.
Dadka u dhuun daloola arrimahan waxay sheegayaan in heshiisyadan lagu dhisay shuruudo aan hufnayn, islamarkaana aysan shacabka Soomaaliyeed wax war ah u haynin waxa lagu heshiiyay, taasoo mugdi galinaysa sharciyadda iyo danaha dhabta ah ee ka dambsysa.
Sidoo kale heshiiska Turkiga lagu siiyay qeybta dakhliga shidaalka ayaa lagu micneeyay iib qarsoodi ah oo lagu banaynayo badda Soomaaliya, arrinta waxaa sii xumeenaya maadaama Turkiga uu yahay isla dowladda gacanta ku haysa dekedda Muqdisho, garoonka diyaaradaha, iyo saldhigga milatari ee xerada Turkisom oo ah xarun ciidan oo ay lagu tababaro meleeshiyaadka ridada.
Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ged gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa sidii dalkan looga dafcin lahaa murtadiinta qowleysatada ah iyo gaalada ay hor boodayaan, waxaana horay u dhacay weeraro fara badan oo lagu beegsaday danaha dowladda ridada ah ee Turkiga.
FAAFREEB PRO