Muqdisho ayaa wajahaysa xaalad murugo leh oo ka dhalatay tallaabooyin ciidan oo lagu afduubayo shacabka muslimka ah, si qasab ahna loogu diiwaan-gelinayo mashruuca doorashada ee ay wadato xukuumada ridada ah ee uu hogaanka u hayo murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa lagu waramayaa in laga soo billaabo Ifka Xalane, Miisaanka Dhuxusha, Towfiiq, Saraha Caymiska, Ex Kontorool Balcad ilaa SOS ay ka socdaan qafaal ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Ciidamada dowladda ridada ayaa la sheegayaa in ay si bareer ah u afduubayaan rakaabka saaran gawaarida kala duwan, iyagoo geynaya goobo gaar ah oo qasab loogu diiwaan-gelinayo.
Xogaha ayaa intaasi ku daraya in dadkan lagu qasbayo in ay is diiwaan-geliyaan iyaga oo qoryo lagu hayo, taasi oo muujineysa sida murtad Gurguurte iyo qowlaysatadiisa ay markan ugu soo ban bexeen iney shacabka kula kacaan jariimo walba si kaliya ay u meel marsadaan danahooda gaarka ah.
Codka idiinku soo maqan waa qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo si aad ah uga dhax qeylinaya gaari ay saarnaayeen xilli qaab qafaal ah ay murtadiintu uga dajinayeen si ay isku diiwaangaliyaan.
Waxay tani kusoo beegantay xilli gudoomiyaha gobolka Banaadir murtad Muunga Gaaban uu Labo maalmood ka hor si rasmi ah u sheegay guuldarro ku timid mashruuca diiwaangelinta doorashada qof iyo codka, isagoo qiray in kaliya 5% dadka ay is diiwaan-geliyeen, halka 95% ay si cad u diideen mashruucan.