Abiy oo Lagu Eedeeyey Hurinta Colaadda iyo Shirqool ka Dhan ah Amxaarada.

Jun 19, 2025

Mid ka mida siyaasiyiinta Itoobiya isla markaana xil sare kasoo qabtay xukuumadda Abiy Axmed ayaa eedaymo culus oo gilgilay dalkaasi u jeediyay hoggaamiyaha dowladda Xabashida Itoobiya.

Wasiiru-dowlihii hore ee xukuumadda Abiy Axmed ninka lagu magacaabo Taye Dendea oo waraysi hadal-hayn badan dhaliyey oo uu siiyey warbaahinta Horn Conversation ayaa ku eedeeyey Abiy Axmed inuu yahay maskaxdii ka dambaysay hurinta dagaalka Tigrey, sidoo kalena ku hawlan yahay qorshe lagu baabi’inayo qowmiyadda Axmaarada.

Taye Dendea, oo horey uga tirsanaan jiray dawlad-deegaanka Oromada iyo wasaaradda nabadda ee federaalka Itoobiya, ayaa kashfiyey hadallo sir ah oo Abiy Axmed uu sheegay muddadii uu xilka ka hayay xukuumaddiisa, waxaanu yiri isagoo arrintaasi ka hadalaya: “Markii aan wada hadleynay, Abiy Axmed wuxuu igu yiri waxaan baabi’inayaa Amxaarada, horey ayaanu ka bilaabay…”

Waxa kale oo siyaasigani faahfaahin ka bixiyey kulan ka dhacay magaalada Nazret ee Itoobiya 29-kii Luulyo 2021, wuxuuna sheegay inuu Abiy Axmed kulankaas kasoo qayb galay isagoo xiran darees ciidan, halkaasna uu ka jeediyey hadallo naxdin leh oo ku saabsanaa dagaalkii ka socday gobolka Tigreega.

“Wuxuu Abiy Axmed nagu dhahay, Jabhadda Xoreynta Tigreegu waxay hadda u socdaan gobolka Amxaarada. Annaga ayaa u dirnay si ay u burburiyaan gobolkaasi, ha u malaynina inay xoogooda tahay… Annaga ayaa hurinay dagaalka Tigree. Annaga ayaa jabhadda ku dhiirrigelinay inay weerarka fuliyaan.” Ayuu yiri Taye Dendea.

Sidoo kale siyaasigani waxa uu carabaabay in Abiy Axmed uu goobtaasi ka jeediyey erayo qiraal ah oo si cad u muujinaya in uu raali ka yahay musuqmaasuqa ku dhex faafay dowladda, isagoo ku taliyey oo kaliya in saraakiishu ay hoos u dhigaan dhaca iyo musuqa ay ku hawlan yihiin.

Taye Dendea waxa kale oo uu ku eedeeyey maamulka Addis Ababa dilka madax-dhaqameedyo Oroma ah oo bishii Desember ee 2021-kii lagu laayay gobolka Shawa ee ismaamulka Oromada, kuwaas oo uu sheegay in dilkooda uu amray Abiy Axmed, eeddaasina ay xukuumaddu dusha uga tuurtay Jabhadda OLF ee Xoraynta Oromada.

Sidoo kale, kulan ka dhacay guddiga dhexe ee gobolka Oromada sanadkii 2023, ayuu siyaasigani sheegay in uu Abiy isugu yeeray isla markaana uu dul dhigay amarro naxdin leh, waxaanu sheegay in hadalladii Raysalwasaaraha ay ka mid ahaayeen “Markaad qof dilaysaan, aamus oo dil. Ha u oggolaanin warbaahinta inay maqasho.”

Taye Denda, ayaa ah siyaasi Orom ah oo muddo dheer ku jiray saaxadda siyaasadda isla markaana horey uga tirsanaa xisbiga Barwaaqo ee Abiy Axmed uu hoggaamiyo, ayaa noqday mid ka mid ah mucaaradka ugu cadcad waxaana xabsiga loo taxaabay Diseembar 2023-kii, waxaanu xirnaa muddo ku dhow hal sano.