Mareykanka oo Bilaabay Raridda Diyaarado iyo Maraakiib Dagaal Sababo la Xiriira Cabsida Weerarada Iran.

Jun 19, 2025

Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran ayaa markale cirka isku shareertay, kadib markii saraakiil American ah ay shaaciyeen in ciidamadoodu bilaabeen raridda qaar ka mid ah diyaaradaha iyo maraakiibta dagaal ee ku sugan saldhigyadooda Bariga Dhexe.

Labo sarkaal oo American ah ayaa maalinkii shalay sheegay in milatariga Mareykanka uu saldhigyada ku yaal bariga dhexe ka raray qaar ka mid ah diyaaradaha iyo maraakiibta, kuwaas oo la sheegay in ay u nugul yihiin weerarada Iran.

Saraakiishan oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu difaacayo ciidamada Mareykanka, iyaga oo ka gaabsaday inay shaaciyaan tirada diyaaradaha iyo maraakiibta la rarayo iyo halka ay ku wajahan yihiin.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka laga soo raray deked ku taal Baxreyn, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada shanaad ee Mareykanka, halka diyaaradaha aan hoyga adag ku jirin laga soo raray saldhigga hawada ee Al Xudeyda ee Qatar.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa markii ugu horaysay todobaadkan sheegtay in diyaarado badan loo wareejiyay Yurub, halka hanti ciidan oo kale, oo ay ku jiraan diyaaradaha wax xambaara iyo kuwa dagaalka badda ay ka soo ambabaxayaan gobolka Indo-Pacific kuna sii jeeda Bariga Dhexe.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jirto cabsi laga qabo in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si toos ah ula safan doono Yahuudda, kuna biiri karo weerarada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha gantaallada iyo nukliyeerka Iran.

Dhanka kale, dowladda Iran ayaa si cad ugu digtay Mareykanka, iyadoo wakiilkeeda Qaramada Midoobay uu sheegay in Iran ay si adag uga jawaabi doonto hadii uu Maraykanku si toos ah uga qayb qaato xasarada milatari ee Labada dal.

FAAFREEB PRO