Xiisadda Itoobiya oo Cirka Isku Shareertayiyo & Fano oo Weerartay Saldhigyo Ciidan.

Jun 18, 2025

Wararka laga helayo gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in xoogagga Fano ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Danglela ee gobolka Gojjam oo ka tirsan ismaamulka Amxaarada.

Warbaahinta maxalliga ah ee Ethio News ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay ciidamo boolis ah oo ka tirsan kuwa Abey Axmed laguna qabsaday ilaa 39 qori.

Weerar kale ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Finote Selam oo isla gobolka Gojjam ku taalla, halkaas oo ciidamada dowladda Itoobiya la sheegay in khasaare xooggan lagula gaarsiiyay isla markaana ay dib u gurteen.

Sidoo kale dagaal culus ayaa muddooyinkan ka socday aagga bartamaha Gondar, ciidamada dowladda Itoobiya ayaana halkaas u diray hub culus.

Dhanka Wollo, xoogagga Fano ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Geregera oo ku taalla waddada isku xirta Gashena iyo Debre Tabor, ilo xog ogaal ah ayaana sheegay in ciidamada dowladda Itoobiya ay khasaare la kulmeen balse tirada wali lama shaacin.

Todobaadkii hore taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya Berhanu Jula ayaa baarlamaanka u sheegay in 90% laga takhalusay kooxaha mucaaradka, balse xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta saaxada dagaalka ayaana muujinaysa in dagaallo ba’an ay weli socdaan taasoo meesha ka saaraysa sheegashooyinka xukuumada Abey Axmed.

Xaaladda Itoobiya gaar ahaan gobolka Amxaarada ayaa kasii dareysa, wararka is khilaafsan ee kasoo baxaya labada dhinac ayaa muujinaya mugdiga iyo jahwareerka siyaasadeed iyo milatari ee haatan ka jira dalkaas.