Haweeney Soomaali ah oo Lagu Dilay Weerar Mindi ah oo ka Dhacay Magaalada Landon ee Ingariiska.

Jun 4, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Ingariiska ayaa ku waramaya, in weerar Midni loo adeegsaday lagu dilay haweeney Soomaali ah oo kamid aheyd Soomaalida ku nool dalkaas.

Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Koonfurta magaalada London oo ah caasimadda dalka Ingariiska, waxaana haweeneyda la dilay lagu magacaabaa Maryama Cusmaan.

Maryan oo 26 jir ah ayaa kamid aheyd Soomaalida dagan magaalada London, Boliska Ingariiska ayaana waxa uu shaaca ka qaaday inuu wado baaritaan ku aaddan qaabka uu dilka u dhacay iyo sababta ka dambeysa intaba.

Saraakiil katitrsan Boliska xukuumadda saliibiyada London ayaa waxa ay sheegeen, in Maryama Cusmaan lagu weeraray gurgeeda, intaas kadibna ay usoo carartay wadada, halkaas oo ay ugu dambeyn ku nafbaxday.

Waxay intaas ku dareen in 2 nin oo ay da’doodu kala tahay 32 jir iyo 33 jir la xiray, kuwaas oo lagu tuhmayo iney ku lug leeyahay dilka haweeneyda Soomaalida ah, walow goor dambe xabsiga laga sii daayay ragaas.

Isabella Mullars oo ah haweeney daris la ah Maryama Cusmaan ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay, in dilkeeda kahor ay maqleysay muran dhexmaraya 3 ruux, intaas kadibna ay maqashay Maryan oo ku qeylineysa gurmad ayaan ubaahanahay.

Dilka haweeneydaan Soomaalida ah ayaa waxa uu qalqal xooggan ku abuuray dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Ingariiska, si gaar ah magaalada London ee caasimadda dalkaas.

Weerarka lagu dilay Marymaha Cusmaan ayaa ku biiraya, sildilado weeraro loo adeegsaday Mindi oo waayadii lasoo dhaafay dalka Ingariiska lagula beegsaday Soomaaalida ku nool dalkaas, waxaana hay’adaha waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ay sheegeen, in dilal ka dhacay gudaha dalkaas sanadihii 2017 illaa 2018 ay Soomaalidu ka yihiin 10%, taas oo waalidiinta ku kalliftay iney qaataan tallaabooyin ka hortag ah.

“Caruurteena halkaan ayaan ku korinaa, sidaas oo ay tahay amaan maheystaan, waxaan ku jirnaa xaalad murugo leh” ayay tiri haweeney kamid aheyd dad kol sii horreysay dibadbaxyo ka dhigayay xaafadda lagu dilay Maryama Cusmaan, kuwaas oo ay kaga soo horjeedeen dilalka nuucaan ah.