Sida lagu waramayo waxaa dhawaan Soomaaliya ka baxay wafdi ay ay dirtay Dowladda ridada Muqdisho kaasoo si gaar ah uga socday wasaaradda lagu magacaabo Shaqada iyo Arrimaha bulshada, kaasoo usocday wadanka Switzerland kana qeyb gelayay shir ka dhacayay halkaasi.
Wafdigan oo kahor inta uusan bixin lagu eedeynayay musuq maasuq iyo tahriibinta xubno katirsan murtadiinta ayaa Soomaaliya ka baxay isagoo ka kooban 23 xubnood uuna hogaaminayo wasiirka shaqada ee xukuumadda murtad Xasan Sheekh Maxamuud waxaasa dhacay arrin la yaab ku noqday gaalada caalamka.
Markii ay wafdigan soo gaareen wadanka Switzerland ee qaaradda Yurub ayaa waxaa baxsaday inta badan xubnihii ku baxay magaca gudiga, kuwaasoo markii horaba la sheegayay in hab tahriib ahaan ah wafdiga loogu dhex qarinayo, waxaana shirkii ka dhacayay magaalada Geneva ee wadankaas xaadiray oo kaliya kana soo muuqday sawirada laga soo qaaday 10 xubnood, halka ay 13 xubnood oo kale baxsadeen kuwaasoo qaarkood ay galeen wadmao Yurub katirsan.
Kooxda ridada ayaa muddo dheer sameyneysa qaabkan liita iyadoona dalalka shisheeye ay murtadiin badan ku galeen habkan maadaama xukuumada Gurguurte shaqaaleheeda ayaana hada xaalad guus ah taagan iyagoona door bidaya iney wadanka isaga cararaan intii ay feenan lahaayeen camaliyaadka mujaahidiinta ama har cad nolosha lagu soo qaban lahaa.
Waxayna murtadiin badan maanta ka dharagsanyihiin in xukuumadan ay gaaladu dhisatay aysan cago badan ku taagneyn waxa mudooyinka soo socda dhici karana ay yihiin halaag aysan mardambe kasoo kaban.