Qarax ka Dhacay Qoryooley iyo Kamiin Lagu Beegsaday Saliibiyiin iyo Murtadiin oo ka Dhacay Gobolka Gaarisa.

Jun 3, 2025

Shabeellada Hoose:

Mujaahidiinta ayaa xaley qarax la beegsaday maleeshiyaat murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha degmada Qoryooley, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 askari oo murtadiin ah.

Gaarisa.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey kamiin u dhigeen kolanya isugu jirta askarta Saliibiyiinta Kenya iyo maleeshiyaat Murtadiin ah kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo ka waday agagaarka deegaanka Walmareer ee hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Kenya.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa garneelada garbaha laga rida la helay gaari Taw ah oo qeyb ka ahaa kolanyada, Waxaana sidoo kale baqti iyo dhaawac noqday tiro askar Kenyaati ah.