Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in saaka weerar xoogan lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.
Kooxo hubaysan ayaa lasoo warinayaa in ay weerareen xabsiga, waxaana in mudo ah dagaal toos ah uu dhaxmarayay Kooxda weerarka soo qaaday iyo ilaalada xabsiga.
Kooxahaan hubaysan ayaa ujeedkoodu ahaa in ay xoog kusoo furtaan maxaabiis halkaasi kaga xiran taas oo sababtay in dagaal xoogan uu qarxo.
Inkasta oo aan wali la helin faahfaahino dheeraad ah, hadana ma cada in kooxda weerarka soo qaaday ay la baxday maxaabiistii ay doonayeen in ay soo furtaan iyo in kale.
Dhacdooyinka nuucaan oo kala ah ayaa mudooyinkii udnabeeyay si aad ah ugu soo laalaabtay magaalada Gaalkacyo, iyadoo maleeshiyaat kala duwan ay tira dhowr jeer ah isku dayeen in maxaabiix ay si xoog ah ku furtaan.
Afar bil kahor ayaa sidaan oo kale loo weeraray isla xasbigan, waxaana iska hor’imaadkaasi uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale.
FAAFREEB PRO