Kooxda Riddada oo Ceyrisay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Guddoomiye Cusubna Magacaawday.

May 28, 2025

Wareegto oo uu soo saaray Xasan Gurguurte madaxa kooxda riddada soomaaliya ayuu ku ceyriyay guddoomiyihii kooxdan ugu magacaawnaa gobolka Banaadir wuxuuna magacaabay guddoomiye cusub.

Xasan Gurguurte ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho u magacaabay Xasan Muugaab oo xilka soo qabtay muddo 10 sano ka hor ah.

Maxamed Amiir oo muddo 6 bilood ah hayay xilkan ayaa la ceyriyay waxaana maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafinayay warar sheegayay in madaxweynaha kooxda Riddada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu khilaaf soo kala dhaxgalay.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in roobabkii dhowaan Muqdisho ka da’ay ee sababay dhimashada inkabadan 12 ruux ay sabab u ahaayeen ceyrinta maxamed Amiir kadib markii roobabkaas ay banaanka soo dhigeen heerka uu gaarsiisanyahay musuq maasuqa uu ku kacay maamulkii Amiir waxaana si fudud ku burburay waddooyin lacago malaayiin dollaar ah lagu qaatay.

Xasan Gurguurte oo doonaya in uu fadeexaddaas dhinac isaga leexiyo ayaa ku kaarta baxay ceyrinta guddoomiyihii hore.

Muungaab ninkan hadda lamagacaabay ayaa lagu xasuustaa dhulboob iyo lacago baad ah oo uu kusoo rogay ganacsatada Muqdisho muddu xileedkii hore ee Xasan Gurguurte, mar walba oo madaxda kooxda Riddada uu waqtigoodu gaba gaba yahay ayay caan ku yihiin xilka qaadis iyo magacaabis tira beel ah.