Kooxdaha muqaawamada Filistiin ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa deegaanka Al-catara ee waqooyiga magaalada Beytul Laahiya gudaha waqooyiga marinka Qaza.
Weerarka oo la sheegay inuu dhacay laba maalmood ka hor ayaa lagu beegsaday ciidan ka kooban 10 askari, iyadoo muwaaqamadu ay sheegtay inay dhimasho iyo dhaawac u qeyb sameen askarta la beegsaday.
War kasoo baxay iska caabinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgallo is-daba-joog ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan militariga Yahuuda oo ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Al-Qarara oo dhacda bariga Khan Yuunis ee koonfurta Qaza.
Kooxaha Muqaawamada waxay sidoo kale sheegeen inay qarxiyeen nidaamka godadka qarsoon, waxaa sidoo kale dhacay isku dhacyo toos ah diyaarado qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin ciidamada gumeystaha ayaa lagu arkayay goobta, iyaga oo qaadaya dhaawacyada weerarka kasoo gaaray.
Howlgalkaasi wuxuu dhacay subaxnimadii Talaadada 20-ka May balse muqaawamada ayaa hada baahisay xogta rasmiga ah sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay, waxaana lagu sifeeyay inuu qeyb ka yahay falcelinta dambiyada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Yahuuda.
Dhinaca kale militariga Yahuuda ayaa sheegaya in tan iyo markii dagaalku billowday 7-dii Oktoobar 2023 laga dilay ugu yaraan 854 askari oo ay saraakiil ku jiraan taasi oo loo arko mid xaqiiqada ka fog, iyagoo badankood lagu dhiig bixiyay dagaallada dhinaca dhulka ah.
Weerarrada ay qaadaayaan kooxaha muqaawamada Filistiin waxay mar kale muujinayaan sii socoshada iska caabinta xooggan ee ka dhanka ah ciidamada gumeystaha Yahuuda ee gudaha Qaza kusoo galay kibirka iyo isqaad qaadka.
FAAFREEB PRO