Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacantay, ka dib weerar hubeysan oo lagu beegsaday baabuur rakaab ah oo marayey gobolka Gambella ee galbeedka Itoobiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan, baabuurka la weeraray ayaa siday 47 qof, kuwaas oo kasoo ambabaxay degmada Dimma kuna sii jeeday magaalada Pinyudo, waxayna dhammaantood ka tirsan yihiin gobolka Gambella.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya u sheegay in dablay hubeysan ay rasaas oodda kaga qaadeen baabuurka, isla goobtiina ay ku geeriyoodeen shan ruux, oo ay ku jireen carruur iyo haween. Waxaana maydadkooda lagu aasay degmada Dimma.
Weerarkan ayaa dadka deegaanka ku eedeeyeen inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo tallaabay xadka, kana soo jeeda qowmiyadda Murle, oo ka mid ah beelaha dega Koonfurta Suudaan, gaar ahaan gobolka Jonglei oo xuduud la leh gobolka Gambella ee dalka Itoobiya.
Ciidanka booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Suudaan, halkaasna ay ku dileen shan qof, oo uu ka mid yahay darawalkii baabuurka. Sidoo kale, toddobo qof ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo qaarkood dhaawacyadoodu culus yihiin.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyada loo daad-gureeyey laguna daweynayo cisbitaalka guud ee magaalada Gambella. Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib markii saraakiil ka tirsan milateriga Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ay yeesheen kulan ay sheegeen in lagu xoojinayo amniga xadka.
Maleeshiyaadka qowmiyadda Murle ee kasoo jeeda Koonfurta Suudaan ayaa dhibaato joogto ah ku haya gobolka Gambella, gaar ahaan labada qowmiyadood ee Nuer iyo Anuak, oo ka mid ah bulshooyinka ugu waaweyn ee gobolkaasi degta.
Weeraradan oo waqtigoodu dheeraaday ayaa isugu jira dilal, afduub carruur, dhac xoolo, iyo burburinta hantida gaarka loo leeyahay, kuwaas oo tobankii sano ee lasoo dhaafay sababay xaalad amni darro iyo dhibaatooyin baahsan.