Wararka ka imaanaya Magaallada Gaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 50 qof ay mar kale ku shahiideen duqeymo xooggan oo Yahuuddu ka fulisay marinka, iyadoo weerarrada ugu dhimashada badani ay ka dhaceen iskuul hoy u ahaa barakacayaal ku sugnaa Magaalada Gaza iyo guri ku yaalla deegaanka Jabaliya ee Waqooyiga Gaza.
Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiidey duqeynta lala beegsaday iskuulka Fahmi Al-Jarjawi, oo ku yaalla xaafadda Al-Daraj ee Magaalada Gaza, sida uu xaqiijiyay Maqmud Bisl, afhayeenka waaxda gurmadka degdegga ah ee Gaza.
Wuxuu intaas ku daray in dad badan ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, isagoo sheegey in kooxaha gurmadka ay weli ku mashquulsan yihiin soo bixintooda, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in waaxda dab-damiska iyo gurmadka aysan haysan qalab iyo agab ku filan oo ay ku baaraan dad-ka hoos jira dhismayaasha dumay.
Sidoo kale, ugu yaraan 19 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa shahiidey tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidanka gumaystaha ay duqeyn la beegsadeen guri ku yaalla xaafadda Jabaliya al-Balad ee waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee Wafa.
Duqeymaha bahalnimada ah ee ciidamada gumastaha Yahuuddu ku hayso shacabka rayidka ah ee Gaza, waxay mar kale muujinayaan heerka ay gaarsiisan tahay naxariis darrida maamulka gumaystaha.
FAAFREEB PRO