Maraykanka oo ku Dhawaaqay Dibu-gurasho Guud Inuu ka Samaynayo Qaaradda Afrika.

May 26, 2025

Kadib mudo sanado ah oo uu Maraykanku ku lug lahaa arrimaha Afrika isagoo adeegsanaya magaca caawin iyo nabadeyn balse dhab ahaantii qeyb weyn ka qaadanaya xasilooni darrada, burburka iyo kala-daadsanaanta ka jirta qaaradda, ayuu hadda Milatariga Maraykanka beddelaya istaraatijiyaddii uu muddada dheer ku wajahayeen qaaraddan

Intii lagu guda jiray African Lion oo ah tababarka milatari ee ugu weyn Afrika Taliye General Michael Langley oo ah madaxa taliska AFRICOM, wuxuu si cad u sheegay in loo baahan yahay in dalalka Africa ay qabtaan howlgallo madaxbannaan iyo in la qaybsado culayska amniga.

Inkasta oo in ka badan 40 wadan ay ka qayb galeen tababarkan oo lagu baranayay xeelado dagaal iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka haddana fariintii hore ee Maraykanka ee ahayd in la adeegsado xeelad dhammaystiran oo dowladeed ayaa sii yaraaneysa marba marka ka dambeysa.

Isbeddelkan cusub wuxuu la mid yahay siyaasaddii xilligii hore ee Trump ee lagu yareynayay joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dibadda, iyadoo xoogga la saarayo difaaca gudaha Maraykanka.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in xilligan Jamaacaadka Jihaadiga ah ay kusii xoogaysanayaan meelo badan oo ka tirsan Africa, ciidamada dalalka qaar sida ciidanka kooxda ridada Soomaaliya ayaana weli wajahaya tabar dari xoogan, inkastoo Maraykanku sannado badan taageero siinayay, hadana General Langley ayaa qiray in askarta ridada Soomaaliya ay weli la tacaalayaan dhibaatooyin dhinaca awoodda iyo amniga ah.

Sidoo kale khubarada waxay ka digayaan in haddii dalalka reer galbeedku ay hoos u dhigaan kaalintooda Africa gaar ahaan sida galbeedka iyo Bariga Africa, ay taasi fursad siin karto in Jamaacaadka Jihaadiga ah ay isku fidiyeen meelo badan islamarkaana ay ka hirgaliyaan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Isbeddelkan cusub ee uu Maraykanku ku wajahayo saamayntiisa Afrika ayaa muujinaysa in reer galbeedku ay ka niyad jabeen xeeladahii hore ee ay adeegsan jireen si ay u maamulaan ugana faa’iidaystaan dalalka qaaradda, kadib sannado ay ku kusoo hoos dhuumanayeen magacyo “Samafal” maanta waxay la yimaadeen siyaasad muuqata oo ku saleysan in dalalka ay daciifka u arkaan ay mas’uuliyadda amniga iyo burburka ay iyagu qaataan.

FAAFREEB PRO