Diyaaradaha dagaalka maamulka gumaystaha yahuuda ayaa tan iyo subaxnimadii saaka magaalada Gaza ka fuliyay duqeymo aad uxoogan oo saacado gudahood ay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tobanaan ruux.
Duqeymaha ugu badan ayaa saaka waxa ay ka dhacayeen waqooyiga magaalada Gaza, iyadoo taangiyada iyo diyaaradaha cadowga ay si isku mid ah uduqaynayeen dadka rayidka ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tan saaka duqeymihii dhacay ay ku shahiideen dad kor udhaafaya 40 ruux halka dhaawacyadu ay intaasi ka badan yihiin.
Duqeymahaan wuxuushinimo ayaa kusoo aaday iyadoo ciidanka sahaayinada ay todobaadkaan magaalada Gaza ka bilaabeen howlgaallo aad uxoogan , kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal ruux maalmo gudahood.
Dhanka kale weeraro loo adeegsaday sawaariikh iyo diyaarado Drons ah ayaa lagu qaaday magaalooyinka yahuuda ixtilAalka ay ku haystaan.
Sawaariikhda oo laga soo tuuray dhanka wadanka yaman ayaa waxay ku dhaceen garoonka diyaaradaha bingooriyoon ee magaalada Talaabiib iyadoo sidookale diyaarado drons ah lagu weeraray magaalada Xayfaa.
FAAFREEB PRO