AKHRISO: Warbixin Daaha ka Rogeysa in Tirada Dadka Qaza ee Shahiiday ay ka Badantahay Inta Lasoo Bandhigay.

May 13, 2025

Wargeyska The Economist ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa daabacday warbixin cilmi-baaris ah oo uu kasoo xiganayo majalada caafimaadka ee Lancet, taasoo muujineysa in tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee ku shahiiday dagaalka Qaza ay aad uga badan tahay cadadka ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee marinka.

Waxay saxiifada Lancet sheegeysaa in ay sameysay baaritaano ka duwan midka ay sameyso wasaarada caafimaadka Qaza markii ay dooneyso iney ogaato tirada shuhadada, iyadoo Lancet baaritaan ugu dhaqaaqday magacyada, da’ada iyo kaararka aqoonsiga dadka shahiiday waana si ka duwan sidii ay wax u xaqiijin jirtay wasaarada caafimaadka Qaza, iyadoo sameyn jirtay 2 waji oo ay tira koobka ku ogaaneyso, waa mida Koowaadee iney la xiriirto goobaha caafimaad sidaasina ay cadadka ku hesho iyo tan Labaad oo ah iney xaga Online-ka tira koob ka sameyso iyadoo uruurineyso xogaha dadka isugu tacsiyeynaya xaga baraha bulshada.

Hadaba markii uu soo gaba gaboobay baaritaankan uu sameeyey wargeyskan kasoo baxa dalka Ingriiska waxaa uu sheegay in tiradu shuhadada ay si aad ah uga badantahay inta hadda lasoo bandhigay, iyadoona bahda Lancet ay sheegeen iney gaareyso inta u dhexeysa 77,000 iyo 109,000 ruux oo filistiiniyiin ah.

Waxa uu sidoo kale joornaalkan xaqiijinayaa in ay jirto tiro dad ah oo sidoo kale aanan ku shahiidin duqeymaha balse sababsaday arrimo ay ka mid tahay daryeel xumo caafimaad oo ka jirta isbitaalada marinka.

Waxayna warbixintan oo dheereed ay si toos ah banaanka usoo dhigeysaa sida dadka dunida badanaa looga marin haabiyey iney ogaadaan cadadka rasmiga ah ee muslimiinta ku shahiiday dagaalka Qaza.

FAAFREEB PRO