Waxaa isa soo taraaya khasaaraha ay geysteen daaddad xooggan oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo habeen hore ka da’ay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Roobkan oo saacado badan ku hooraayay magaalada, ayaa geystay khasaare nafeed iyo burbur baaxad leh oo soo gaarey hanti fara badan.
Sida ay wararku tibaaxayaan ugu yaraan 7 qof, oo isugu jiray waayeel, dumar iyo caruur, ayaa ku dhintay daaddadkan, kuwaasoo qaarkood maydadkooda la helay goor dambe.
Dadweynaha Muqdisho guud ahaan iyo gaar ahaan ehellada dad lagu waayay daadadkaasi ayaa saacado badan ku hawlanaa baadi-goobkooda.
Waxaana mar dambe oo xalay ah la helay maydad hor leh oo ku hoos-jiray burburkii ka dhashay daaddadka, waxaana ku jiray maydka oday da’diisa lagu qiyaasay 70 jir.
Sidoo kale roobabkani waxay geysteen burbur xooggan oo soo gaaray guryaha iyo weliba waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana kala xirmay isu-socodka dadka iyo gaadiidka.
Baraha bulshada waxaa si weyn ugu faafay sawirrada daadadka xawliga ku socda ee dhex mushaaxaya magaalada Muqdisho, iyadoo la arkaayo dadka qaar oo naftooda ku biimaynaya qulqulka xooggan ee daaddadkaasi, kadib markii ay waayeen meel ay ka gudbaan.
Roobabkan oo cabbirkooda lagu qiyaasay in ka badan 115 milimitir ayaa hooraayay muddo ku dhow siddeed saacadood. Waxaana sidoo kale ku barakacay in ka badan 200 oo qoys.
Dadweynaha Muqdisho oo saamayn xooggan ay ku reebeen daadadkani ayaa si weyn uga cabanaaya lacagaha baadda ah ee ay ka qaaddo kooxda Villa Soomaaliya oo haba yaraatee wax loogu qabtaa aysan jirin.