Hindiya oo Weerar Labaad Qaaday iyo Pakistaan oo Dhulka soo Dhigtay wax ka Badan 20 Diyaaradood.

May 8, 2025

Waxaa markale saacadihii lasoo dhaafay qaraaraday xiisada u dhexeysa dowladdaha Hindiya iyo Pakistaan iyadoo New Dalhi ay qaaday weerar Labaad halka islama Bad-na ay bixisay jawaab deg deg ah.

Sida lagu waramayo ayna soo tabinayaan warbaahinada gobolkaas, waxaa sii xoogeysanay xiisada gacanka ka hadalka gaartay ee u dhexeysa dowladaha Hindiya iyo Pakistaan, iyadoo New Dalhi ay saacadihii lasoo dhaafay dhowr magaalo oo ka tirsan Pakistan ku weerartay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Balse inta uu weerarkaa socday Pakistan ayaa markale soo soo riday ilaa 25 diyaaradood oo ay leedahay Hindiya balse uu soo saaro maamulka gumeystaha yuhuuda, Hindiya ayeyna midaan ku noqotay fadeexo kale oo caalami ah.

Iyadoo weerarkan ay qaaday Hindiya aysan kasoo wareegan waqti fog Pakistan ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Hindiya , iyadoo qaraxyo laga maqlay garoonka diyaaradaha Jaamu, sida ay warisay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhanka kale waxaa sara maraya suuragalnimada weerar ay Pakistaan ku qaado Hindiya 48 saac ee soo socota, kaasoo ay Islama Bad uga jawaabeyso weerarkii 2 maalin ka hor ka dhacay gudaha wadankeeda kaasoo ay ku dhinteen ilaa 31 ruux.

Sida ay xusayaan falanqeynada lagana arki karo waxa waaqica yaalana xukuumada New Dalhi ayaa wajaheysa dhabar jab xoogan maadaama Pakistaan ay durbadiiba soo riday tobaneeyo diyaarado qaali ah, ay dishay 50 askari, boqolaal madaafic ahna ay ku garaacday goobo muhiim ah oo ku yaala gudaha Hindiya.

FAAFREEB PRO