Weerarkii Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Yuhuuda Sidee Ayuu u Dhalin Karaa Dagaal Goboleed?.

May 6, 2025

Sida uu baahiyey wargeyska Al-Sharqul Awsat kooxda Xuuthiyiinta ee ku daabay Iran ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo saartay digniin ku socota diyaaradaha reer yurub iyo kuwa aasiya ee adeegsada hawada maamulka yuhuuda iyadoona Yaxya Al-Sariic Afhayeenka militariga kooxdan uu sheegay iney hawadan kusoo rogeen xayiraad guud.

Waxa uu sariic hadalkiisa kusoo daray iney si joogta ah u weerari doonaan gudaha deegaanada yuhuuda si gaar ahaaneed gigida diyaaradaha, taasi oo khatar galin karta duulimaadyada caalamiga ah ee sida maalinlaha ah looga sameeyo madhaarka Bin Gorion oo lagu tilmaamo midka ugu mashquulka badan bariga dhexe.

Dhanka kale majaldo dhowr ah ayaa daabacaya in weerarkii shalay ka dhacay gudaha Airport-kan uu sahaayinada ku sababay qoob gariir amni iyo fadeexo caalami ah, iyadoona ilaa waqti xaadirkan aysan sahaayinadu soo bandhigin qorsheheeda xiga weerarkan marka laga soo tago hanjabaadaha afka baarkiisa ah ee ay jeedinayaan xubnaha xukuumada Binyamin Natanyaahu iyo kuwa mucaaradka.

Joornaalka Yadiicood Axranood ayaa dhankiisa baahiyey maqaal uu ku sheegayo in hogaanka sahaayinada iyo golaha amniga ay ku balansanaayeen kulan deg deg ah oo ay uga hadlayaan wixii ka dhacay madhaarka Bin Goreon, balse ilaa hadda warbaahinta looma soo gudbin inuu qabsoomay kulankaas iyo in kale.

Isla umuurahan ayeyna ku jirnaayee, waxaa weerarkan ay Xuuthiyiintu ku qaadeen gigidan diyaaradaha ee yuhuuda ka dhashay Su’aalo dhowr ah oo ay kamid tahay, sideebuu weerarkan u dhalin karaa dagaal gobolleed?

Weerarkan kaddib, waxaa gudaha deegaanada yuhuuda laga maqlay codadka doonaya in weerarkan jawaabtiisa aan lagu koobin dhulka Yemen ee sidoo kale loo baahanyahay inay la balaariyo oo gobolka oo idil la gaarsiiyo.

Benny Gantz oo ah xubin hore oo ka tirsanaa golaha dagaalka ee yuhuuda isla markaana ah hoggaamiye xisbiga mucaarad ah ayaa soo baxay weerarkan kaddib, isagoo warbaahinta la hadleyey ayuu yiri “Iran waa tan bixisay gantaalaha ballistic-ga ee lagu weerarrayo Israa’iil, waana inay qaadato mas’uuliyadda iyaga.”

Gantz waxa uu intaa ku daray in “Gantaallada lagu soo riday dhulka Israa’iil waa inay yeeshaan cawaaqibka adag oo ay tahay inay wajahdo Iran, waa inay Tehran noqotaa goobta sida adag weerarkan jawaabtiisa looga arkayo.”

Dhanka kale wargeysku kasoo baxa deegaanada yuhuuda oo soo xiganaya Telefishinka yuhuuda ee 12-aad ayaa dhankooda sheegay, in taliyaha ciidanka kaydka yuhuuda uu sidoo kale ka hadlay arrinkan waxa uuna yiri “ Marka waddan si isdaba joog ah gantaallo ugu soo rido Israa’iil, tani waa dagaal, casharkeenu waa inuu noqdaa in la dilo hoggaanka Xuutiyiinta, sidii ku dhacday Xisbullah.”

Hanjabaadahan iyo kuwa kale oo fara badan markii ay laga arkay saaxada siyaasada bariga dhexe ayeyna inta badan falanqeeyaashu isku waafaqeen in talaabada ay shalay qaadeen Xuuthiyiintu iney dhalin doonto dagaal goboleed si isku mid ah marka hore u saameyn doona dalalka Yeman iyo Iran.

FAAFREEB PRO