Mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka ridada Soomaaliya ayaa nasiib-darro ku tilmaamay guul-darrada baaxadda leh ee soo waajahday maleeshiyaadka murtad Xasan Gurguurte gaar ahaan dagaalkii lagu feentay ee looga fara-maroojiyey talisyadii waaweynaa ee Aadan Yabaal.
Xildhibaan C/Risaaq C/Laahi Ciid oo ka tirsan baarlamaanka ridada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidanka mujaahidiinta Al-Shabaab ay dharaar cad ka baacsadeen maleeshiyaadka Villa Soomaliya oo haysta qaybaha kala duwan ee saanadda millateriga iyo weliba taageerada cir iyo dhulba leh ee dalalka Shisheeye.
Waxa uu murtadkan ka dhawaajiyey in taliyeyaasha maleeshiyaadka Gurguurte ay yihiin kuwo aan khibrad lahayn, isla markaana weligood aan ciidan hoggaamin, isagoo geesta kalena xusay in kooxda ridada ay ragaadisay eexda iyo musuqmaasuqa.
Jabka iyo habqanka maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray dagaalkii dhowrka boqol looga dilay ee Aadan Yabaal ayuu xildhibaankan sheegay in ay ahayd niyad-jab weyn oo soo food-saaray guud ahaan askarta kooxda ridada Soomaaliya.
“Aadan Yabaal, waxaa joogay ciidan ku filan difaaca magaaladaasi iyo magaalooyinka ku wareegsan, balse way isaga carareen, waxaanay aadeen Hiiraan ilaa Galgaduud, waxaasina waxay niyad-jab ku tahay ciidanka…” ayuu yiri Xildhibaan C/Risaaq.
Hadalka murtadkan ayaa imanaya kadib markii ay mujaahidiinta dagaal cag-marin ah kula wareegeen talisyadii waaweynaa ee kooxda Villa Somaliya ay ku lahayd degmada Aadan Yabaal isla markaana ay dhegta dhiigga u dareen dhowr boqol oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.