Sida uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsat isagoo soo xiganaya aqalka Kremlin-ka waxaa saacado ka hor dalka Ruushka gaaray madaxa xukuumada Beijing isagoona socdaalkiisan lagu sheegay inuu daaranyahay si uu uga qeyb galo dabaaldegga sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegatay jabkii gaaray ciidankii Nazi-ga Jarmalka.
Sidoo kale bayaanka kasoo baxay aqalka looga arimoyi Ruushka ayaa lagu sheegay in Xi Jinping uu kala hadli doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin horumarinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal, ayna saxiixi doonaan heshiisyo dhowr ah oo taabanaya dhiancyo kala duwan oo muhiim ah.
Sidoo kale jariirada warbixinteeda ayaa lagu sheegay Ruushku wali uu ku tahmayo guul lamid ah midii Soofiyeetku ay ka gaareen Naziga 80 sano ka hor, walow ay ku waayeen ilaa 27 milyan oo ruux haddana ugu dambeneyn ciidamadii Nazi-ga ayaa dib ugu gurtay dhankaas iyo caasimada Berlin ee dalka jarmalka, halkaas oo uu nafta isku dhaafiyey Adolf Hitler.
Gunaanudkii waxaa sidoo kale lagu wadaa in maalmaha soo aadan ay gaaraan wadanka Ruushka madaxweynayaasha Brazil iyo Serbia iyo ra’iisul wasaaraha Slovakia, Putin ayaana Ukrain usoo jeediyey xabad joojin Sadax maalmood ah inta ay socoto xaflad dabaaldag, balse Zlanesky ayaa sheegay iney taasi dib u eegis ku sameyn doonaan, aysana balan qaadi karin iney dhowrayaan amaanka madaxda ajaanibta ah ee imaaneysa gudaha wadanka Ruushka.
FAAFREEB PRO