Hindiya ayaa markaan isku dayeysa iney xoojiso talaabooyinka ay ku leyneyso muslimiinta wadankaas kadib weerarkii dabayada bishii April ka dhacay gobolka lagu muransanyahay ee Kashmiir.
Sida uu daabacay wargeyska New York Times, xukuumada Narendara Modi ayaa bilowday olole ay si gaar ah ugu xoojineyso beegsiga muslimiinta wadankaas ee laga tirada badanyahay, iyadoo dishay Tobaneeyo muslimiin ah sidoo kalana burburisay goobo gacansi oo fara badan sidaba lagu arki karo sawirro gaar ah oo ay saxifadu baahisay.
Xukuumada New Dalhi ayaa sheegtay in midan ay usameyneyso si ay ugu aargudaan gaaladii lagu laayey Kashmiir, taasoo xitaa dhalisay in xiisadoodu ay cirka isku shareerto iyaga iyo Islama Bad, waxayna hadda tani u muuqataa talaabo kale oo Hindiya ku baneysaneyso dhiiga muslimiinta wadankaas.
Waxay sidoo kale warbixintu sheegeysaa in New Dalhi ay si wada jir ah u beegsaneyso muslimiinta wadamada Bangladeshsha, Myanmar, iyo Pakistaan, balse kuwa ku nool gudaha wadankan ayaa hadda kuwa wajahaya caqabadaha ugu badan, iyagoona laga soo barakiciyey guryohooda, halka qaarkoodna iyagoo dagan lagu dul burbriyey.
Uttar Pradesh, Karnataka iyo Gujarat waa Sadaxda gobol ee hadda ugu badan ee lagu leynayo muslimiinta Hindiya, waliba iyadoo dadkan qaarkood ay isaga jiraan shaqooyinkooda nolol maalmeedka ay ka raadsadaan, sidaba ay sheegeyso saxiifda warbixintan daabacday.
FAAFREEB PRO