Sacuudiga iyo Shiinaha oo Doonaya Xalinta Xiisadda Pakistan iyo Hindiya.
Shiinaha ayaa muhiimad gaar ah siinaya xalinta xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa dalalka deriska ah ee ku hubeysan nukliyeerka ee Pakistan iyo India, Beijing waxa ay ka cabsi qabtaa in xiisadda milatari ee labada dal ay khalkhal geliso xasiloonida gobolka, maadaama labada dal xuduud toos ah ay wadaagaan .
Shir jaraa’id oo lagu qabtay gudaha dalka Shiinaha ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas waxa uu ku cel celiyay baahida loo qabo in si nabad ah loo xalliyo khilaafaadka labada dhinac iyadoo loo marayo wada tashi toos ah oo dhexmara New Delhi iyo Islamabad.
Dhanka kale, Sacuudiga ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay xiisadda sii xumaaneysa ee u dhaxeysa labada dhinac iyo rasaasta ay weli is weydaarsanayaan.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda sacuudiga ayaa waxa ay labada dal ugu baaqday in ay ka fogaadaan xiisad colaadeed, islamarkaana khilaafka lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed oo ay ixtiraamaan mabaadi’da deris wanaagga sida ay hadalka u dhigtey.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ballan qaaday in uu ku daba jiro oo uu ciqaabi doono kooxihii weerarka geystay, Hindiya iyo Pakistan ayaa labaduba waxay sheeganayaan mas’uuliyada gobolka Kashmir, mid kasta oo iyaga ka mid ah ayaa maamula qayb ka mid ah gobolkan.
Mawqifkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa labada dal, kadib weerar ka dhacay gobolka Kashmiir 22-kii bishii April kaas oo ay ku dhinteen 26 qof.
FAAFREEB PRO