Mid ka mid ah Diyaarada Maraykan ugu Hormarsan oo Shil ku Gashey Badda cas.

Apr 30, 2025

Xili dagaalka udhaxeeya dowladda Maraykanka iyo maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ee ka taagan bada cas uu sii xoogaysanayo, ayaa shil waxaa galay mid kamid ah diyaaradaha dagaal ee ugu horumarsan ee Marayknku leeyahay

Diyaarada shilka gashay ayaa ahaa nuuca loo yaqaano F/A-18E Super Hornet waxayna xiligaasi dul taagnyed markabka diyaaradaha Xanbaraa USS Harry S. Truman xilli uu markabku ku sugnaa Badda Cas

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Badda Mareykanka, diyaaradda ayaa hoos ugu dhacday badda xilli lagu jiidayay gudaha hangarka markabka. taliska dhexe ee ciidanka Washiton ayaa sheegay in Hal askari uu ku dhawacmaya iyadoo qasaaraha rasmiga ah an wali la ogeyn.

Dhacdadan ayaa dhacday iyadoo Kooxda waqooyiga yemen maamusha ee Xuutiyiinta ay isla maalintaas sheegteen inay gantaallo ku rideen markab Mareykanku leeyahay oo ku sugan Badda Cas, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin in weerarradaas ay xiriir la leeyihiin khasaaraha dhacay.

Waa dhacdadii saddexaad ee muddo lix bilood gudahood ah lala xiriiriyo markabka USS Truman. Bishii Diseembar 2024, diyaarad kale oo ah F/A-18F Super Hornet oo laga lahaa Truman ayaa maraykanku sheegay in si khaldan loogu garaacay gantaalo kasoo baxay markabka USS Gettysburg intii lagu jiray hawlgal tababar. Dhacdadaas ayaa Mareykanku ku tilmaamay “gantaal saaxiibtinimo oo si qalad ah loo riday.

Warbixin lagu daabacay warbaahinta Associates press oo laga leeyahay dalka marayhkanka ayaa lagu sheegay in shilalkan soo noqnoqday ay saameeyeen moral-ka iyo amniga cutubyada ku sugan Badda Cas, inkastoo afhayeen u hadlay Ciidanka Badda Mareykanka uu u xaqiijiyay assocates press in markabka USS Truman iyo diyaaradaha saaran ay weli yihiin kuwo si buuxda u shaqeynaya, ayna sii wadi doonaan hawlgalladooda gobolka bariga dhexe.

Dhacdadan lagu soo sheegay markabka USS Harry S. Truman oo ku sugan bada-Cass ayaa waxay ku soo beegantay xilli ay kor u kacayaan weerarrada kooxda Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta iyo diyaaradaha Mareykanka ee gobolka.