Soomaali Qeyb ka Noqotey Tahriibayaal Lagu Duqeeyey Wadanka Yeman.

Apr 29, 2025

Dad Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid yihiin tobonaan tahriibayaal ah oo lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka maalinkii isniinta ka geysteen xabsi ku yaalla Yemen, sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo saraakiil ka tirsan Xuuthiyiinta.

Xabsigan oo ku yaalla deegaanka Sacda ee ay Xuutiyiintu maamulaan ayaa waxaa ku xirnaa in ka badan 100-qof oo tahriibayaal Afrikaan ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta Yemen ayaa weerarkan dhanka cirka ah ku eedeeyay Mareykanka oo ay ku sheegeen inay ku dileen ugu yaraan 68 qof, 47 kalena ay ku dhaawacmeen, ciidamada Mareykanka ayaan-na wali ka hadal eedeynta loo soo jeediyey.

Ibraahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah soomaalida ku nool dalka Yemen oo duqaynta kaddib booqday goobta ay ka dhacday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu burbur xooggan soo gaarray xarrunta la beegsaddey.

“Waxaa la rumeysan yahay in saddex illaa afar qof oo soomaali ah ay ku jiraan maxaabiista, balse weli ma hayno xaqiijin” ayuu yiri ninkan soomaaliga ah mar uu la hadlayey warbaahinta, isagoo intaasi ku daray in dad badan oo Soomaali ah la sheegay in xabsigan laga wareejiyay saddex maalmood ka hor duqaynta.

Muuqaalo uu baahiyay TV-ga Al-Masirah ee ay Xuuthiyiintu maamulaan ayaa muujinaya muuqaallada iyo sawirrada dad dhintay iyo kuwo dhaawac ah, kooxaha qaabilsan waxa loogu yeero bini’aadannimada ayaana horay qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda tahriibayaasha lagu xiro wadanka Yemen.

FAAFREEB PRO