Sida ay baahisay majalada Wall Streat Jornall xukuumada Moscow ayaa saldhig cusub oo milatari ka hirgeliyay meel 160 km u jirta dalka Finland, halkaa oo uu ku daabulay kumannaan ciidan ah , gantaalladiisa kala duwan, gaadiidka dagaalka iyo agabyo kale oo ciidan kuwaas oo uu u adeegsan doono qorshihiisa saldhigan ciidan.
Jariirada ayaa warbixinteeda ku sheegeysa in midan ay walaac daran ku beertay wadamada qeybta ka ah gaashaan buurta NATO, iyadoona laga baqanayo in Ruushku uu duulaan toos ah ku ekeeyo dalalkan ama uu saaro cadaadis xoogan oo dhinac walba ah.
Warbixinta majaladan waxay sidoo kale xustay in hada midan ay u muuqato in Ruushka kala bar awoodiisa uu usoo raray halkan, waxayna midan sidoo kale goob gariir amni ku beertay wamada xadka la wadaaga Ruushka sida Poland iyo wamada Baltica oo ay ku jiraan Lativia iyo Estonia, iyagoona ka baxay heshiiskii mamnuucayey in miinooyinka waaweyn dhulka lagu aaso.
Jariirada ayaana sheegtay in Moscow ay hadda si toos ah u bilowday oofinta balnkii uu qaaday wasiirka difaaca Andrey Belousov ee ahaa in Ruushku uu siku diyaarinayo in muddo 10 sano ah gudeheeda ay isku diyaarinayaan dagaal toos ah oo ay la galaan isbeheysiga NATO.
FAAFREEB PRO