Hay’ada WFP oo Wajaheysa Marxaladii ugu Xumeyd Ceyrineysana ku Dhawaad Kala bar Shaqaaleheeda.

Apr 26, 2025

Hay’ad gaaleedka WFP oo ka howlgasha inta badan wadamada Afrika sheegatana iney bixiso conooyin iyo dawooyin bilaash ah balse hagardaamoyin badan ay ku hoos duuganyihiin ayaa lagu waramayaa iney mareyso marxaladii ugu xumeyd tan iyo markii dhidibada loo taagay 19 December 1961-dii.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in hay’adan oo hoos tagta QM ineysan waqti xaadirkaan awoodin sii wadida inta abdan shaqooyinkii ay ka fulin jirtay guud ahaan caalamka gaar ahaan qaaradan Afrika, sida bixinta cunooyinka badankood dhacay iyo daawooyinka aanan lahayn tayada badan.

Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa dalka Suudaan oo ay colaaduhu ka socdaan, waxaana lagu waramayaa in WFP ay shaacisay ineysan wax deeq ah aysan gaarsiin karin wadankan sababo la xiriira qarashka iyo dhaqaale yarida soo wajahday hay’ada.

WFP ayaa sidoo kale shaacisay iney ceyrineyso shaqaale gaaraya ilaa 6,000 ah ama soddon boqolkiiba oo ka mid ah shaqaalaheeda, taasi oo muujineysa marxalada sii masaxmeysa ee ay ku sugantahay WFP.

Afhayeen u hadlay hay’adan ayaa sheegay in afartan boqolkiiba ay hoos u dhacay maalgelinta sanadlaha ahayd ee WFP, isagoona si cad u sheegay in aysan jirin calaamado muujinay in xaaladu ay soo hagaagayso sida tana ay fiicnaan doonto.

Tobanaankii sano ee lasoo dhaafay waxay WFP qaarada Afrika gaar ahaan Soomaaliya ay ku heysay hagardaamooyin marnaba aanan lasoo koobi karin, sida in bulshada xilligeeda tacabka dalka la keeno raashin dhacay, in shacabka loo qeybiyo daawooyin tayo ahaan liita mararka qaarna sababa geerida dadyow fara badan iyo waxyaabo kale oo fara badan, balse masiirkeeda ayaa hadda u muuqda mid sii liicaya waxayna waa dhow u muuqataa mid uu soo idlaan doono mageeceedii ku dhisnaa ka macaashida dhiiga dayowga kale duwan.

FAAFREEB PRO