Fadeexo Markale Dul Hooganeysa Dowladda Mareykanka iyo Xogo Hore oo Lasoo Dusiyey.

Apr 24, 2025

Fadeexo amni ayaa markale dul hooganeysa maamulka Trump iyo faylal xasaasi ah oo loo dusiyey wax ka badan Toban kun oo shaqaale.

Sida uu nashriyey joornaalka Washington Post, waxay markale fadeexo dhanka amniga ah la kulmaya xukuumada cusub ee uu Donald Trump majaraha u hayo, kadib markii qaar kamid ah shaqaalaha guriga aqalka cad dukumiindo xasaasi ah u direen ilaa 11,200 oo shaqaale oo ka tirsan dowladda waliba iyagoo adeegsanaya barta Google Drive.

Faylashan ayaa ahaa kuwa muhiim ah oo aanan loo ogoleyn dad kooban mooyee, balse waxaa mar un lagu soo baraarugay iyagoo dhaxyaala barta file-lasha la isku dhaafsado ee Google Drive ayna arkeen cadadka intaas la eg ee shaqaalo ah.

Sida majaladu ay tilmaameyso, tani waxay xukuumada Washington ku noqoneysaa darbadii Labadaa muddo kooban gudeheeda, kadib fadeexadii amni ee dhacday bishii lasoo dhaafay kadib markii madal ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo Ameerikaan ah lagu soo daray tafatiraha guud ee majaladda The Atlantic, isagoona halkaas ka ogaaday xogo muhiim ah oo waqtigaas la is dhaafsanayey kuna saabsanaa howgalka cusub ee Mareykanku ku iclaamiyey kooxda Xuuthiyiinta Yeman.